Somaliland:President Silanyo Hosts Luncheon Party for Businessmen Involved in Ending the KULMIYE Infighting

3
23

 

IMG_0067By Goth Mohamed Goth

 

H.E President Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo today hosted a lunch party at the Presidency in honor of the elders and businessmen who were instrumental in ending the long running infighting the ruling party.

 

Prominent businessman Mr.Mohamed Geedi Aw Said speaking at the launch party said , “We as citizens of this nation felt obligated to intervene  ending of the infighting in the ruling party for the sake of party and most importantly our national interests.

 

Somaliland foreign minister Hon Bihi Yonis also speaking during today’s event said , “Today marks an end to a black chapter in the ruling party history and i pray and hope such thing wont be repeated.

 

President Silanyo addressing the guests said, “I am glad to say that there are good citizens  in this country who are willing to intervene where the government has failed.

SomalilandPress.com

 

3 COMMENTS

  1. none are men sleeping,we been wake since ishihaak come around are land and we born.
    respect your self.
    we we become kilrs.
    and we did a respect are dads,and are mams.
    do u traying to distory your childrenss?
    am u and am wake.
    left same think.
    ……………………………..
    ?

  2. DHACDOOYIN KU SAABSAN HALGANKII URURKII DHAQ-DHAQAAQA WADANIGA SOOMAALIYEED ( S.N.M )

    Qaybtii Afraad:

    6th March 1987 waxa magaalada Harar lagu qabtay shirweynihii shanaad ee ururka SNM, kaas oo socday ilaa 9th March 1987, waxa shirkaa mar labaad loogu doortay xilka gudoomiyaha ee ururka isagoo aan cidi isla soo sharixin md. Axmed Maxamed Maxamuud siilaayo. Waxa kale oo shirkaa lagu doortay golihii dhexe ee ururka dhaqdhaqaaqa wadaniga Somaliyeed SNM oo ka koobnaa 45 xubnood.

    Waxa shirweynuhu isbadal ku sameeyay dhawr qodob oo distoorka ururka ahaa oo ay ka mid ahaayeen:

    In waaxda gaadiidka iyo saadka, la hoosgeeyo waaxda ciidanka xoraynta.

    Dib u habaynta istarajiyada siyaasadeed ee aan ka hor imanayn distoorka ururka in loo daayo golaha fulinta, isla markaan lasoo hodhigo golaha dhexe si uu u ansixiyo.

    Taabo galinta siyaasada gudaha ee ururka iyo sixida ama xalinta dhibaatooyinka lasoo darsa ururku waxa marwalba ragaadinayay qaab dhismeedka maamulka sare ee ururka oo murugsanaa tusaale ahaan: Md. Axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ahaa Gudoomiyaha ururka, isla markaana ahaa Gudoomiyaha golaha fulinta, isla markaa ahaa gudoomiyaha golaha dhexe. Taasi waxa ay ku tusinaysaa in go’aan qaadashada ururku ku urursanayd meel qudha. Arrintaas oo xalkeedu aad u adkaa sobobtoo ahayd marxalada waqtigaa isaga ahaa ururku ku sugnaa oo aad xasaasi u ahayd una baahnayd taxadir iyo tixgalin gaar ah si looga ilaaliyo waxayeelo ku iman karta halganka hubaysan.

    21st march 1987 (11:00 subaxmino) waxa qabsoomay kalfadhigii kowaad ee golaha dhexe, waxa soo xaadiray 39 xubnood waxa hawlo shaqo darteed ka maqnaa 6 xubnood. Shirkaa waxa gudoominayay gudoomiye Siilaan, waxana lagu doortay gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha dhexe Md.Ibraahim Maygag Samatar iyo xoghayaha golaha dhexe oo loo doortay Md.Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe).

    Isla kalfadhiigaa, kadib markii golaha dhexe ansixiyay golihii fulinta ee gudoomiye Siiraanyo soo magacaabay oo ka koobnaa sagaal (9) xubnood, waxa ay iska dhex doortay gudida joogtada ah ee golaha dhexe (standing committee of central committee) oo ka koobnaa Shan iyo toban (15) xubnood, gudoomiyena looga dhigay AHN Cusmaan Aadan Dool (Quule). Kal fadhigaasi waxa uu dhamaaday 2nd April 1987.

    Gudiga joogtada ah (standing committee) ee golaha dhexe waxa shaqdoodu u badnayd iyaga oo ka wakiil ah golaha dhexe mudada u dhaxaysa labada kalfadhi ee golaha dhexe in ay ilaaliyaan ku dhaqanka distoorka, xeer hoosaadk iyo ansixinta istaratajiyada iyo ajandaha siyaasadeed ee ay soo dajiyaan golaha fulintu.

    Golaha fulintu kulamadii uu yeeshay bishii April 20, 21 iyo 23rd , 1987 waxa uu magacaabay hawlwadeenada ama masuuliinta waaxaha, madaxda Aagaga iyo xarumaha, iyo hay’adaha madaxa banaan ee ururka kuwaas oo tiradoodu dhamayd sagaal waaxood oo waax waliba leedahay gudi hoosaadkeeda.

    4th may 1987 waxa Hargaysa yimim Major General Maxamed Jibriil oo ahaa madax NSS-ta si uu uga fuliyo hawlgalo gaar ah, waxa uu bixiyay lacag tirdeedu dhantahay 190 miyan oo shilin (190 million shgs from political fund) oo la siiyay beesha JIDWAAQ si dagaal looga dhex dhaliyo iyaga iyo beelaha ISAAQ ee ay dageenka wadaagaan.

    11th May 1987 Beesha Abaskuul oo hirgalinaysa qorshihii General Jibriil waxa ay Beesha Habar Awal ka dhaceen xoolo isugu jiray Geel, Lo’ iyo Adhi. 12TH May 1987 waxa Beesha Habar-Awal dib u soo dhacsatay qayb ka mid ah xoolahoogii, waxa isla markiiba arrintaa soo dhex galay dawlada Ethiopia (jigjiga Awraja) oo bilawday wada hadal iyo dhexdhexaadin labada beelood ah.

    16th May 1987 ayadoo wada hadaladii socdaan ayaa beesha Abaskul oo kaashanaysa ciidan xabashi ah (The 501 Brigade) weerar ku soo qaaday beesha Habar-Awal ee deganayd meesha la yidaa Qol Bidaar. Waxa duulimaadkaa ku geeriyooday 83 qof oo da’doodu u dhaxayso 65 ila 2 jir oo ahaa rag, dumar iyo caruur.

    Cudurdaar (dhacdadaa oo loogu magacdaray The Qol Bidar Massacre of May, markale ayaan soo qor idoonaa iyadoo faahfaahsan insha-Alla).

    Arrintaasi waxa ay ka hor imanaysay hawlihii Maxamed maxamuud Warsame Jaango’an ka waday Hargaysa ee ahaa sidii laysugu soo dhaweyn lahaa Mareexaan iyo Isaaq sidaa darteed waxa si degdeg ah xamar u soo gala lagu yidhi madaxii NSS-ta General Jibriil.

    Bishii May 1987 Waxa gudida joogtada ee golaha dhexe ee SNM dabagal ku sameeyeen waajibaadkii looga baahnaa golaha fulinta iyo in ay soo hor dhigaan habkii loo hirgalin lahaa go’aamadii shirweynaha, iyo hanaanka maamul ee gudida fulintu ku talogashay.

    Dabayaaqadii bishhi may 1987 waxa xilkii uu golaha fulinta ka hayay iska casilay Maxamed Ibraahim Warsme (Hadraawi) ka dib markii uu ka biyo diiday golaha fulinta oo ka gaabiyay dib u habayntii istaraatajiyada siyaasadeed ee shirweynu u xilsaray golaha fulintu in uu dajiyo.

    ,
    Gadhqaadkeedu waa leexsanyahay, waana gudayaaye
    Garar loo maleeguu ku ridey, guura socodkiiye
    Guudkeedu waa wada finiyo, gaatir iyo booge
    Hadday gooli-baadh tahay waxaa, gabay raggeediiye
    Guyaal iyo guyaal bay rarteen , gocorro shaydaane
    Iyadoon goblamin baa haddana , geelo loo hadhaye
    Gol-dalooladeedaa ka badan, galalka ciideede (Hadraawi)

    Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa uu waqtigaa ahaa xoghayaha gaarka ah ee qaybta koonfureed ee SNM, oo markaa saldigeedu ahaa Mustaxiil. Hadraawi waxa uu mudo sedex bilood ku dhow golaha fulinta ka naawilaayay kuna guubaabinayay in uu salka u dhigo istratajiyadii siyaasadeed ee lagu hagi lahaa qaybta koonfureed si culayska dagaalka looga yareeyo qaybta waqooyiga iyo si loo dadajiyo xoraynta dalka, laakiin arrintaasi kama suurogalin golihii fulinta iyo hogaankii sare ee SNM ee waqtigaasi.

    Gabgabteedu waa xubin intay gawrac leedahaye

    Geediga caga daaliyaa lagu gayoodaaye

    Gellimaadaka hayskaga jirtiyo goosan habaqlaaye

    Gubuxsiga maruun bay tashiga meel ka soo galiye

    Gargaraacideediyo ha dayn geed ka didinteeda (Hadraawi).

    Lasoco qaybaha danbe.

    Muj: Cabdiraxmaan Cawloo ( Cabdiraxman Baqdaadi ).
    amawlo@yahoo.co.uk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *